U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Rajo Ka Muujiyey In Doorashooyinka Ku Dhacaan Waqtigooda

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah ku tagey magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayaa sheegay in  rajo wanaagsan  uu ka qabo in doorashooyinka dalka ay ku dhacaan waqtigii loogu talo galay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Jabuuti arrimaha uu u tagey kamid taahay inuu la socodsiiyo madaxda dalkaasi hannaanka doorashooyinka ay u socdaan maadaama Jabuuti ay kamid tahay dalalka kaalinta weyn ka qaatay dib usoo kabashada Soomaaliya.

Waxa uu Ra’iisul wasaare Cumar sidoo kale sheegay in Todobaadka soo aadan la filayo in dalka ay ka bilowdaan doorashada xildhibaannada aqalka hoose.

“Waan ku rajo weynnahay in waqtigeeda ku dhacdo doorashada, doorashooyinka xildhibaannada baarlamaanka billaabanayaan Isbuuca soo socda, xildhibaannada ugu horreeya ee aqalka hoose waxaan rajeyneynaa in la doorto maalmaha foodda inagu usoo haya” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Guud ahaan dalka waxaa looga diyaar garoobayaa doorashooyinka dadban ee aqalka hoose, waxaana magaalooyinka xarumaha u ah maamul goboleedyada ku sugan dhammaan ergooyinka soo dooran lahaa xildhibaannada aqalka hoose.

Goobjoog News