U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Sheegay In Baaritaan Horudhac Ah Laga Sameeyay Dilkii Xildhibaan Dirir

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey dilkii shalay loo gaystay xildhibaan Yusuf Dirir, kaas oo ka dhacay agagaarka Hotel Maka-Al-Mukarama.

“Marxuumku wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka 10-kii sano ee ugu danbeeyey, wuxuu ahaa wadani jecel nabada iyo horumarka dalka, waxaana halkaan tacisi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, Xildhibaanada Baarlamaanka, iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed dilkii loo gaystay Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi, waxaana ilaahay uga baryeeyna inuu Janadiisa ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo ehelkiisa” ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in qaabka uu u dhacay dilkaan ay si faahfaahsan u soo gudbin doonaan, “Hay’adaha Amniga waxay sameeyeen baaritaano horudhaca ah oo ay ku ogaanayaan qaabka u dhacay dilka Xildhibaanka, waxayna u soo gudbinayaan shacabka iyadoo faahfaahsan, Waxaana ku boorinayaa laamaha amniga iney xoojiyaan amaanka xildhibaanada, masuuliyiinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri mar kale RW Cumar.

Dhanka kale shir ay xalay isugu yimaadeen hay’adaha amniga oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa looga hadlay dhacdadii uu ku geeriyooday Allaha ha u naxariistee xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi iyo darawalkiisa kuna dhaawacmeen askari boolis ah iyo lix ka tirsam ciidanka milateriga, wuxuuna Ra’iisul Wasaare ku xigeenku tacsi u dirayaa dhamaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday xildhibaanku.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
[email protected]