U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Sheegay In Dadaal Badan Lagu Bixinayo Muujinta Doorka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaare ayaa sheegay in dowladda dadaal buuxa ku bixinayso sidii loo muujin lahaa doorka dhallinyarada ee dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin ku leeyihiin siyaasadda, ayna tahay in halgankooda ku aadan horumarinta nabadda iyo maalgashiga dalka ay sii Laba Laabaan.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha ku celceliyay in ka xukuumad ahaan ay saaran tahay inay ku dadaalaan sidii dhallinyarada mustaqbalkooda uga heli lahaayeen dalkooda.

“Annaga Xukuumad ahaan, xukuumadihii naga horeeyay, kuwa naga dambeyn doona, runtii mas’uuliyadda na saaran waxay tahay inaan ku dadaalno siyaasadaha dowladeed ee la sameynayo inay yihiin kuwo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalkooda ka tusinaya dalkaan gudahiisa, ma ahan in dhallinyarada ay tahriibto, mustaqbalka waa in annaga oo dhan halkaan ka wada helnaa, taas waxay ku xiran tahay idinka hadba sida aad mas’uuliyad isku saartaan, hadba sida aad usoo jeedisaan afkaartiina ku aadan, codkiina waa in la maqlo, hadii aadan idinka abaabulneen, oo degmo degmo, gobal gobal u abaabulneyn, dadka dibadda jira isku xirneen wey adkaaneysaa in hadalkiina iyo aragtidiina miisaan yeesho, waxaa muhiim ah inaad ogaataan dadkii calankaan keenay xamar bay ka aas aasmeen, laakiin meel walba oo gobalka ah wey gaarsiiyeen meel walba oo la gaarsiiyana dhallinyarada ayaa fikirkaasi baahineysay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen aayaha dalka.

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii Labaad ka socda shirka dhallinyarada, kaasi oo shalay furmay loogana hadlayo arrimo badan oo quseeya Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo doorkooda waqtigaan.

Goobjoog News