U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare Cumar oo soo dhaweeyay Heshiiskii Garoowe

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa soo dhaweeyey heshiiskii xalay lagu saxiixay magaalada Garoowe, wuxuna ku dheeraaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xal maangal ah oo waqtigan kala guurka ah ee dalku marayo looga gudbi karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Dawladda iyo Shacabka Puntland, wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto xili adag oo xasaasi ah, isla markaana looga baahan yahay in tanaasul la muujiyo. Isagoo xusay muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya, xiligan kala guurka ah iyo wada shaqaynta Dawladda dhexe iyo Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha oo madasha ka hadlayey waxa uu yiri:

“Marka kowaad waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland tan iyo intii aan halkaan joognay. Heshiiskan aan gaarnay waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo wuxuu muhiim u yahay bud-dhigida mustaqbalka, dowladnimada, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta Soomaaliya. Waana habeen taariikhi ah oo aynu asaaska u dhigayno mustaqbalka waddankeenna iyo xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna.

“ Dhammaan Xubnaha dowladda iyo Beesha Caalamku waxay kaalin weyn ka qaateen in aan maanta halkaan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in Dowladda Federaalka ay muhiimad weyn siinayso xal u helida mushkiladaha u baahan in wax laga qabto. Wuxuna ku celiyey in sanaddan 2016 wixii ka danbeeya dalku ka gudbi doono nidaamka 4.5 oo muddo badan lagu soo gudbay.

—-DHAMMAAD—