U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Tacsi Ka Diray Geeridii Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxu tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timid S/Guud Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday dalka Mareykanka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaara uga tacsiyadaynayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku sifeeyay S/guud Cali Samatar nin ku suntanaa Waddaniyadda Soomaaliyeed, kana mid ahaa hoggaamiyaashii iyo saraakiishii doorka weyn ka qaatay dhismaha Ciidanka Soomaaliyeed.

“Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan Allah uga baryeynaa in uu naxariistiisa ka waraabiyo Marxuum Maxamed Cali Samatar oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii hore ee dalka soo maray isla markaana qeyb libaax kasoo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka Xoogga dalka .” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid.

—-DHAMMAAD—-

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu Somalia