U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Wasiirkii Boostada Iyo Isgaarsiinta

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xil ka qaadis waxa uu ku sameeyay wasiirkii wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Guuleed Xuseen Qaasim.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha laguna baahiyey warbaahinta dowladda ayaa xilkaasi waxaa loogu magacaabay Maxamed Jaamac Mursal.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wareegtada ku yiri:- markii uu arkay qodobka 97 faraqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka.

Markii uu arkay; xeer madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Markii uu arkay: baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

Goobjoog News