U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar “Wada Hadal Ayaa Ka Socda Amniga Guud Ee Dalka”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in rajo aad u weyn ka qabaan in la sugo amniga guud ee dalka marka ay dhacayaan doorashooyinka dadban.

Wuxuu uu sheegay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay ka shireen qorshaha ammaan ee dalka iyo sida loo sugayo amniga meelaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay Ra’iisul wasaare Sharmaarke in gacanta lagu soo dhigo cid walbo oo qaraxyada Muqdisho ka dhaca gacan ka geysata, haaatanna ay ay dad arrintaasi lagu tuhmayo ay hayaan.

“Kalsooni weyn ayaan  ku qabnaa in ammanka la sugi karo doorashooyinkaanna dhici doonaan,  wada hadal ayaa ka socda ammaanka oo dowlad goboleedyada iyo dhammaan Federaalka ayna ku gaarii qorshihii lagu sameyn lahaa in doorashooyinkaan amni ku dhacaan, waxaan qabannay dad dhowr ah oo qeyb ka ahaa oo tababarka u fidiya dadkaan xagjirka ah, kuwii kale ee waxaan ka dambeeyay waan ku guda jirnaa, waan rajeynaynaa in dadkaasi gacanta ku dhigno aan magaaladan oo qaraxyada kusoo badanayeen waayihii dambe gacan ka geysanayey, waan naqaanaa dadka waxaan ka dambeeya waxaan rajeynaynaa inaan gacanta ku dhigno” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dalka waxaa dhawaan ka dhici doona doorashooyinka dadbadan, waxaana la filayaa in magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale lagu qabto doorashooyinkaasi.

Goobjoog News