U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar “Xalka Siyaasiga Ayaa Ah Wadada Kaliya Ee Ammaan Waddanka Looga Dhallin Karo”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo saxaafadda kula hadlay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kadib markii lasoo gabagabeeyay shirkii halkaasi uga socday Soomaalida iyo beesha caalamka ayuu sheegay in xalka siyaasiga uu yahay wadada kaliya ee ammaan guud looga dhigi karo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha inay qorsheynayaan in Soomaaliya loo bedalo waddan albaab cusub u furmaya wax walbana ay isbedalayaan, iyadoo garab laga helayo saaxiibada caalamka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay muhiimmadda ay leedahay dowladda oo la garab istaago ayna garab istaagaan ururada dowliga ah iyo dhammaan wadamada caalamka ah.

“Xalka siyaasiiga ah ayaa ah wadada kaliya ee ammaan wadanka looga dhallin karo”

Ka qeybgalayaasha shirkii Istanbul waxay ku baaqeen inay lagama maarmaan tahay in tallaabooyin mideysan la qaado oo looga soo horjeedo xagjirinimada, kuna jirto Al-shabaab ee dagaallanta Soomaaliya, waxaana carabka ay ku adkeeyeen muhiimmada ay leedahay iskaashiga, ururada dowliga ah iyo dowladd Soomaaliya ay iska kaashadaan arrinkaasi.

Bayaanka shirka kasoo baxay wuxuu farayaa in la aas aaso Maxkamad Dastuuri ah, ururka madaxa banaan ee xuquuqda Aadanaha, adeegga garsoorka Soomaaliya gudaheeda iyadoo isla sanadkaan la doonayo in arrimahaasi oo dhan lagu dhammeeyo, waxay kaloo tilmaameen in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo kobcinta dhaqaalaha, dhinacyada tabarta dhismayaasha dowladda, dekadaha, beeraha, kallumeysiga Soomaaliya.

Goobjoog News