U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax dhigay Dhismaha Isbitaalka Xudur iyo Guriga martida.

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool ka Dhagax dhigay dhismayaasha Isbitaalka guud ee Xuddur iyo Hoyga martida oo laga dhex dhisayo xarunta Gobalka Bakool.

Istibaalka Xuddur oo dhismihiisu uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta caafimaadka, ayaa marka dhismaha lagu dhameeyo, lana qalabeeyo waxaa ka faa’iideysanaya Bulshada degaanka oo dhibaata ku qabay helidda daryeel caafimaad, daweynna u doonan jiray Magaalooyin fog oo Muqdisho ay kamid tahay.

Bulshada ku nool Magaalada Xuddur, maamulka Gobalka Bakool iyo kan Degmada Xudur ayaa markii Ra’iisul Wasaaruhu uu gaaray Magaalada ka codsaday in Dowladdu ay wax badan ka qabato baahiyaha caafimaad, ayaa ka mahad celiyay Dhagax dhigga mashruuca lagu dhisayo Isbitaalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sidoo kale Xarigga ka jaray mashruuc Nalalka Cadceedda ku shaqeeya oo laga hir-geliyay Waddada isku xirta Gegida Diyaaradaha iyo xarunta Gobaka , wuxuuna mudane, Kheyre Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay Lacag lagu casriyeynayo Garoonka Kubbadda Cagta ee Dr; Waaberi , taa oo uu Ra’iisul Wasaaruhu Maalin kahor ballan qaaday horumarintiisa.

Himilooyinka tubta horumarinta arrimaha Bulshada oo qayb ka ah Afarta tubood ee Qaranka, ayaa waxaa ka mid ah hir-gelinta adeeg caafimaad oo tayo leh oo Lacag la’aan ah iyo sameynta mashaariic lagu horumarinayo Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Goobjoog News