U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magacaabay Maareeyaha Guud Ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xasan Cali Khayre, ayaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed  u magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Ra’iisul Wasaaraha markii uu arkay qodobka 100-aad ee dastuurka KMG ah, markii uu tix-geliyay baahida loo qabo dib u howl gelinta Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, markuu tix geliyay waaya aragnimada Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, markii uu garwaaqsaday in lagama maarmaan ay tahay in loo howl galo sidii loo soo celin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, waxa uu xeeriyay:

  1. In dib loo howl geliyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, loona bedelo Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed
  2. In laga billaabo 26/08/2019, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed
  3. In xarunta wakaaladda ay noqoto xaruntii hore ee Tika/Bisha Case ee Turkiga oo ku taalla degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.

Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed  ayaa qayb ka ah kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee dowladdu bib-u-howl gelineyso si sare loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka, loona gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso.

Goobjoog News