U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Axmed Madoobe Oo Kulan Ku Leh Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose gaaray Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Waxaa garoonka Kismaayo kusoo dhoweeyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo dadweyne aad u badan.

Kheyre ayaa aargada Kismaayo waxa uu kula hadlay boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay soo dhoweyntiisa, isaga oo uga mahadceliyey sida ay usoo dhoweeyeen.

Waxaa hadda lasoo sheegayaa in kulamo ay wada leeyihiin madaxweyne Axmed Madoobe iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana ay kaga hadlayaa arrimo dhowr ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News