U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Garoowe

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Garoonka Garoowe waxaa kusoo dhoweeyey mas’uuliyiintan madaxda sare ee maamulka Puntland iyo sidoo kale dadweyne badan.

Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay barxadda weyn ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay doonayaan iney kaga qeybqaataan soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha.

Magaalada Garoowe oo dhan waxaa lagu xardhay boorar uu ku dheggan yahay sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu booqdo magaalooyin kale oo Puntland ah, dhanka kalena wuxuu ka qeybgali doonaa sanad-guuradii 20-aad ee aas-aaska maamulka Puntland oo dhici doonta 1-da bisha August.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News