U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Culimada Soomaaliyeed Kala Hadlay Arrimaha Amniga Iyo Xajka

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa xalay wuxuu kulan la qaatay culimada Soomaaliyeed waxaana uu kala hadlay arrimo ku aadan xajka iyo ammaanka.

Ugu horreyn, Ra’iisul wasaaraha ayaa culimada wuxuu siiyey warbixin guud oo ku aadan ammaanka dalka iyo sidoo kale waxyaabaha u qabsoomay xukuumaddiisa.

Si taas la mid ah, culimada ayaa iyaguna dhankooda waxay Kheyre usoo jeediyeen talooyinka ku aadan ammaanka iyo sidoo kale arrimaha xajka.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ahaa culimadii la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu ku qancay talooyinkii ay siiyeen culimadan.

“Waxaan kulan saacado qaatay la yeelannay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuu naga dhageystay talooyin aan u gudbinnay oo amniga iyo Xajka ah, wuxuu inoo sheegay in wax laga qabanayo talooyinkaan, wuu na qanciyey” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.