U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare Kheyre Oo Ka Hadlay Awoodda Dhallinyarada

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la hadlay dhallinyaro ka qeybgalayey munaasabad loogu magacdaray ka faa’ideysiga awoodda da’yarta waxbaratay ayuu sheegay in dalkaan horumarkiisa dhaqaale iyo kan amniba uu ku xiran yahay dhallinyarada Soomaaaliyeed oo uu sheegay in la’aantood aanu waxbo qabsoomi karin.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in dhallinyarada oo awoodooda ku biiraya dowladda ay gaarsiin karto in dalka uu noqdo mid dhaqaale ahaan lugihiisa isku taaga, sidoo kalena bila dowladnimada.

“Haddii aad aaminsan tihiin in dalkaan uu ka kooban yahay jidad jajaban iyo xabado iyo qabyaalad dib ugu noqda barista, dalkeenna wuxuu ahaan jirey Afrika dalalka ugu horreeya dal kamid ah haddii aanu ahayn midka ugu horreeya, wuxuu ahaa dalkaan kii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo ay ka dhacdo doorasho rasmi ah oo dimuqraaddi ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha isaga oo hadalkiisa raaciyey in dhallinyarada ay yihiin laf dhabarta dalka.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi oo isna munaasabaddan hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in dhibkaan ka jira Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga looga bixi karo dhallinyarada oo dowladda la shaqeysay una soo jeedsata danta guud oo ay ka fekeraan sidii wadanka horumar loo gaarsiin lahaa.

“Annaga ka gobol ahaan waxaan diyaar u nahay kaalintii uga faa’ideyn lahayn dhallinyarada, midda xigta aragtiyaha u degsan gobolka Banaadir ee ay tahay inuu fuliyo waqtiyada soo socda qabto waxaa kamid ah shaqo abuurka oo mudnaanta Koowaad siin doonno oo aan ku dhiirigelineyno ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa aan Soomaalida ahayn iney sameystaan maalgashi baaxad leh” ayuu yiri guddoomiye Taabit.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegtay in ay ku dedaali doonto sidii shaqo abuur ugu sameyn lahayd dhallinyarada Soomaaliyeed.

Goobjoog News