U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Qeygalaya Shir Madaxeedka IGAD

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka madaxda wadamada IGAD, kaasi oo maalinta berri ah ka furmi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa xaaladda K/sudan, waxaana dhowaan ku baaqay in la qabto Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ahna guddoomiyaha IGAD Hailemariam Desalegn.

Waxaa la filayaa iney ka qeybgalaan dhammaan madaxda wadamada IGAD, iyadoo la filayo in laga soo saaro go’aanno la xiriira sidii xal looga gaari lahaa arrimaha Koonfurta Sudan, sida dagaallada, xaaladda Bini’daannimo iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Safarka Kheyre ku tagayo Addis Ababa ayaa noqonaya markiisii ugu horreysay tan iyo markii xilkan loo magacaabay, wuxuuna ka dhigan yahay safarkaan midkii Labaad oo Ra’iisul wasaaraha ku aado dalka dibaddiisa.

Goobjoog News