U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ku Celceliyey In Loo Midoobo Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayey furitaanka shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ku dheeraaday ka hadalka ajendaha shirka oo uu sheegay inuu ugu muhiimsan yahay arrinta amniga.

Waxa uu Kheyre sheegay in muhiimadda Koowaad ay tahay sidii dalkaan looga xoreyn lahaa Al-shabaab iyo Daacish, islamarkaana la isku kaashan lahaa.

“Waxaan idiin cadeeyaa in shirku u socdo si aad u wanaagsan oo qurux badan, intaas ka sokow shirkaan waxaa looga hadli doonaa ajendooyin badan oo ah masiirka umadda Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan sidii dalka loo xoreyn lahaa, sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka, sidii loo dardargelin lahaa oo wax looga qaban lahaa federaaleynta oo loo daadejin lahaa, sidii looga shaqeyn lahaa geeddi socodka doorashada Hal qof iyo Hal cod 2020-ka, micnaheedu waxay tahay ajendayaasha looga hadlayo shirka maanta halkaan loo fadhiyo haddii xal loo helo micnaheedu waxay tahay Soomaaliya ayaa xal laga gaaray, sidaasi daraadeed shirku wuxuu yahay mid muhiim ah, waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa xubnaha kala duwan ee ka socda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ama heer wasiir, ama heer farsamo oo iyagu ah dadka aan muuqan ee shaqada haya oo shaqooyin badan nala qabtay, waxaan leeyahay arrinkii dhacay October 14-keedii waxa uu ahaa masiibo cusub oo masiibo qaran, innagoo marka ka duuleyna xanuunka ku yimid sida ay sheegeen madaxdii iga horreysay shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan waxaan ka baraneynaa in haddii dulqaadka nagu yaraa aan kordhino, haddii damqashada nagu yareedna aan badinno, in haddii howlaheenna si iska deggan u socdeen aan isku dayno inaan dardar gelinno”

“Waxaan aaminsanahay Soomaaliya iney ledahay fursad aad u wanaagsan, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin iney meel uga soo wadajeestaan argagaxisada, waxaan kaloo aamisanhaya in Soomaaliya fursad leedahay maadaama aan ognahay caqabahada ina hortaagan waxay yihiin, waxaan kaloo aaminsahay in madaxdii naga sii horreysay 20-kiii sano ee lasoo dhaafay waxyaabo badan wadanka laga soo qabtay, maantana aan taagannahay meel fiican oo horey looga sii dhaqaajin karo”

Kheyre ayaa soo dhoweeyay Fikirka ah in bilaha soo aadan laga shaqeeyo oo kaliya sidii Al-shabaab dalka looga saari lahaa.

“Waxaan soo dhoweynayaa fikirka ah bilaha soo socda in kulligeen aan ka wada shaqeynno dalka sidaan u xoreyn lahayn sida uu ku baaqay madaxweynaha, xukuumadda Federaalka waxaa ka go’an iney la shaqeyso xubnaha kale ee wasiirada dowlad goboleedyada dowladda federaalka xubnaha ka ah, waxana dardargelin doonnaa wada shaqeyntaa, waxaan ka shaqeyn doonnaa waxyaabaha dhiman si aan u dhameystirno”

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku shaqeyn doonto guud ahaan gobollada, shaqadana laga ballaarin doono magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka ballaarin doonnaa dowladnimada sidaan markii horeba u bilowday iney ka baahsanaato Xamar oo la isugu tago gobollada naftooda oo halkaasi lagu qabto shaqooyinka, laakiin waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed u sheego meel walbo oo ay joogaan mas’uuliyadda maanta na hortaalla waxaa laga rabaa cid walbo oo Soomaaliyeed, waa in culimada, bulshada rayidka, ganacsatada, madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Warbaahinta qeybtooda qaataan, in qof walbo oo Soomaaliyeed uu maanta ogaado waxaa qatar ku jira jiritaanka umadda Soomaaliyeed, maadaama ay inoo joogaan cadow shaqadooda tahay in la ciribtiro umadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto, laga soo bilaabo Puntland iyo Jubbaland inta u dhaxeysa waxaa jooga Daacish iyo Shabaab, micnaheedu waxay tahay iney dadka Soomaaliyeed isugu mid yihiin, arrimaha siyaasadda iyadoo ay muhiim tahay in laga shaqeeyo oo aan ka shaqeyn doonno, hadafka ugu weyn ee shirkaan wuxuu yahay oo aan rajeynayaa umadda Soomaaliyeed dhegahooda ku dhici doonto in kulligeen rag iyo dumar aan ka shaqeyneyno sidii dalka Soomaaliyeed looga xoreyn lahaa cadowga” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Goobjoog News