U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulan La Qaadanaya Wafdi Ka Socda Jarmalka

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa uu haatan kulan kula qaadanayaa wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Jarmalka islamarkaana uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi ahana Ra’iisul wasaare ku xigeen Sigmar Gabriel.

Kulankaan oo ka socda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno kale, waxaana looga hadlayaa arrimo la xiriira xiriirka Labada dal.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo hadal qaadi doonaa arrimo la xiriira taageerada Jarmalka ee Soomaaaliya iyo sidoo kale arrimaha abaaraha.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News