U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka u Qaabilsan QM

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha J.F Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda ayaa la kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka u qaabilsan QM Filippo Grandi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana kulan looga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyey madaxa Qaxootiga caalamka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee barakacay sanadihii ay dalka ka jirtay colaaddu, isagoo xusay xiligan oo dalku soo hagaagayo in dawladdu diyaar u tahay wixii macaquul ah ee sahlaya dib-u-soo noqoshada dadka qaxootiga ah.

“Soomaaliya diyaar ayay u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida, waana u mahadceliyaa dawladihii martigeliyey dadkeena waqtigii adkaa ee la soo maray”.Ayuu yiri RW Khayre.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxa Qaxootiga Adduunka ayaa waxaa kamid ah Wakiilka Hay’adda u qaabilsan Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Affey, iyadoo ay kulamo kale la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.S maalinta bari ahna booqan doonaan magaalada Kismaayo ee dawlad-gobolleedka Jubaland.

—DHAMMAAD—-

A3 A2 A1