U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Lagu Soo Dhoweeyay Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay.

Madaxeynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaaraha uu kulamo la qaato madaxda K/galbeed, sidoo kalena uu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka qaar loo diidayo isku socodka gaadiidka iyo shacabka.

Waa markii Labaad oo bishan gudaheeda ah uu Ra’iisul wasaare Kheyre safar ku tago magaaladii Labaad oo ka tirsan K/galbeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News