U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Madax Ka Tirsan IGAD Kula Kulmaya Addis Ababa

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo safar ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu halkaasi kula kulmo qaar kamid ah madaxda wadamada IGAD.

Sida warar ay heshay Goobjoog News sheegayaan, wuxuu Ra’iisul wasaaraha madaxda uu la kulmayo kala hadli doonaa arrimo u badan xaaladda dalka.

Kheyre ayaa sidoo kale ka qeybgali doona shir madaxda IGAD ku leeyihiin Addis Ababa, balse lama oga illaa iyo hadda waxa uu shirkan ku saabsan yahay.

Waa safarkii Labaad oo muddo Labo bil gudaheed ah uu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News