U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Mar Kale Ku Baaqay In Loo Gurmado Shacabka Ku Sugan Gobollada Abaarta Ka Jirto

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed iney si hagar la’aaneed ugu gurmadaan shacabka abaarta ku hayso gobollada dalka.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in maanta shacabka abaarta haysa u baahan yihiin in gacan mid ah loogu gurmado.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu sheegay in xilligaan ay tahay waqtigii loo baahnaa iney u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee abaarta ku hayso gobollada dalka.

“Haddii ay jirto maalin la idiin baahan yahay, maanta ma jirto maalin la idiinkaga baahi badan yahay, waxaan idinka codsanayaa inaad si dhaqso leh ku bixisaan wixii aad awoodaan ee aad ku taakuleyn kartaan shacabka abaareysan” ayuu ku yiri R.wasaare Kheyre xubnihii ganacsatada oo ay hogaaminayeen Rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

“Haddii aad lacag abuurtaan, halkeed ku cuneysaan, haddiiba dadkiinii ay abaaro u le’anayaan, waad la socotaan shacabka Soomaaliyeed kala bar abaartu wey saameysay” ayuu mar kale yiri isaga oo tilmaamay in guddigan ay madax u yihiin dad wadaado ah oo bulshada dhexdeedana sumcad ku leh.

Gobollada dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn xooggan ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolladaasi.

Goobjoog News