U bood dhigaalka

Kheyre: Waqtigii Xoolaha Wadanka La Dhacayey Wey Dhammaatay

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay  in dalka uu xilligaan galay isbedal aad u weyn islamarkaana la gaaray waqtigii la wada xisaabtami lahaa.

Ra’iisul wasaaha oo hadal ka jeediyay isku soo bax roob doon ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay diyaar u yihiin in mar walbo lala xisaabtamo, iyagana ay sidoo kale ay wax la xisaabtamaan.

Kheyre ayaa tilmaamay in laga baxay waqtigii hantida dalka la dhacayey, shacabkana Albaabada laga soo xiranayey waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Maanta waxaan rabaa halkaan inaan idiin kaga caddeeyo, dalkaan dadkiisu waa iney la xisaabtamaan mas’uuliyiintooda, xisaabtankana waa in aniga iyo madaxweynaha nalaga bilaabo, annaguna waa inaan inta kale la xisaabtanno, waxaa naga go’an oo ilaahayna ka baryeennaa inaan umaddaan sida ugu cadliga badan oo u dhaqi karno aan u dhaqno, sida kaliya oo dhibka looga bixi karana waxay tahay inaan aqbalno qaladaadkii aan soo sameynnay, marka aan aqbalnana aan ka heshiinno sidii aan uga bixi lahayn”

Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Waqtigii xoolaha wadanka la dhacayey wey dhammaatay, waqtigii la isku xadgudubaayey wey dhammaatay, watqigii albaabada la idin ka xiran jiray wey dhammaatay, waqtigii waxaa lasoo gaaray cadaaladda iyo islaxisaabtanka, waxaana idiin ballanqaadeynaa aniga iyo madaxweynahuba inaan runta idiin sheegno si daacad ahna aan waddankaan ku maamulno, maalin iyo Labo laguma xallin karo dhibaatada wadankaan, laakiin waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareynayaa in bilow cusub uu bilowday, waxaan idiin balanqaadayaa markaad qoraxda fariisataan inaan idin la fariisanno, marka aad faraxdaan inaan idin la faraxno, markaad murugootaaan inaan idin la murgoonno, wax walbo oo noo sheegtaan oo dalkana u baahan yahay inaan idiin dhageysanno, albaabadana idiin furno, qalbiga adkeysta, ilaahay dhibka wuu naga saari doonaa haddii Ilaahay yiraahdo” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, iyadoo madaxweyne Farmaajo isna sidan oo kale hore u ballaqaaday in la isla xisaabtamo.

Goobjoog News