U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Garay Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax, Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee gobalka Hiiraan, Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa wafdigani kusoo dhaweeyay magaalada B/weyne.

Wafdigaan ayaa magaalada B/weyne u tagay u kuur galka xaaladda bini’aadanimmo ee magaaladaasi iyo sidoo kale in bulshada laga wacyigeliyo qatarta ka imaan karta hadii uu Wabiga Shabelle fatahaad sameeyo.

Safarka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Waxaa ku wehliya Wasiirro, Xildhibaanno, Qubaro ku xeeldheer Arrimaha  dabaylaha laga baqayo inay gobolkaas ku dhuftaan iyo Mas’uuliyiin kale,iyagoo kormeeri doona wafdiga Goobaha laga baqdin qabo inuu ka fataho wabiga shabeelle.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale