U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Baaq u Direy Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa madaxweynaha la doortey ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ugu baaqay inuu ku shaqeeyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Carte ayaa soo dhoweeyey guushii uu gaarey Farmaajo, waxaana uu sheegay in xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka jawaabeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta waxa ay ahayd maalin ay guul u soo hooyatay shacbiga Soomaaliyeed, guud ahaan, gaar ahaanna xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka jawaabay rabitaankii shacbiga markii ay doorteen Madaxweynaha cusub. Waxa aan Illaahay ka baryayaa in uu ku guuleeyo waajibaadka Qaran ee ku saaran” ayuu yiri Carte.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si niyad ah ay kula shaqeeyaan madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

“Dhamaan dadka Soomaaliyeed waxa aan ka codsanayaa in si qalbi furnaan ah u la shaqeeyaan Madaxweyne Farmaajo si aan u adkayno midnimadeena iyo dawladnimadeen si ay inoogu horseeddo nabad iyo horumar”

Xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweyne u doortey Maxamed C/laahi Farmaajo.

Goobjoog News