U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Dhaliilay Saami Qeybsiga Aqalka Sare Ee La Siiyay Somaliland

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa dhaliilay xubnaha maamulka Somaliland kaga soo aadan aqalka sare iyo sidoo kale qaabka loola dhaqmay maamulkaasi.

Wuxuu sheegay isaga oo wareysi siinayey VOA in wax laga xumaado ay tahay in faragelin lagu sameeyo kuraastii ay xaqa u lahaayeen shacabka Somaliland.

“Anigu ka mid baan ahay Madasha wax badan oo fiican wey soo qabatay, isku soo dhaweynta maamullada, madaxda Federaalka iyo kan gobollada aad bay uga shaqeysay, hase ahaatee waxaan aad uga xunnahay oo qodobka ugu darnaa ee aan diideynay waxa weeye qaabkii loogu qeybiyey beelaha deggan Somaliland ee casbashadu ka timid iyo go’aankii madasha soo saartay ee ahayd in iyagu ay tilmaamaan ama ay qoondeeyaan kuraasta halkaa ayeey cabashada ugu weyn ahayd, waayo cid walbo iyagaa yaqaan sida ay wax u qeybsanayaan dadka deegaanka wey is yaqaanaan siday u qeybsanayaan iyo sida ay u kala qaadanayaan, midda kale dowlad goboleedyada kale cidna looma qoondeen marka iyaguna la dhaho ciddaas baa leh wax meesha qabato ma ahayn ee waxaa la rabay kaliya intaas baan idiin kugu darnay oo idinku kala qeybsada”

“Saami qeybsigu waa mid gocosho badan oo dad reer Somaliland ka goconayaan go’aanno badan oo siyaasi ah oo illaa 60-kii soo jirtay wey jirtaa oo tan naftirkeeda ka mid tahay oo ah qaladaadka siyaasiga ah ee la galayo ka mid tahay, in qeyb aanay mudneyn mar walbo la siiyo, midda ugu daran waxa weeye in wax lagu daro si loo gaaro qoondadii dadku ku qanci kari lahaayeen, wixii wax ka yar baa lagu soo qoray, mar walbo saami qeybsiga waa mushkiladda ugu weyn ee ay tabanayaan dadka kasoo jeeda Somaliland, waxaana dhibaatadu tahay maadaama dadka halkaan jooga ay doonayaan isku soo dhawaanshaha inay ka shaqeeyaan in aanay suurtoobin in dib loo celiyo oo wixii aan marka hore lagu qanacsaneyn ay dadka diideen in hadane maalin walbo noqotay in dib loogu celiyo, marka taas weeye cabashada ugu weyn”

Ugu Dambeyn Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in kulanka dambe ee Madasha yeelan doonto horgeynayaan dhaliishan islamarkaana waxa uu ugu baaqay xubnaha madasha inay dib u eegeen go’aankooda oo ay saxdo saami qeybsiga waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga waan geynay, fikirkeena waan dhiibanay, mar walbana go’aanka waa mid kaligey aan ahayn waana go’aan madaleed, haddii ra’yigaaga laga bato waxbo kama qaban kartid, xalku waxa uu yahay in madasha ay dib u eegis ku sameyso oo ay saxdo saami qeybsigii taas ayaa ugu muhiimsan annaguna waan u geynayna runtii waxa loo baahan yahay”

Goobjoog News