U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Shir Guddoomiyay Kulan Looga Hadlayay Horumarinta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Gulleed (Khader) ayaa maanta shir gudoomiyay kulan Bille ah oo looga hadlo horumarinta iyo qiimaynta mashaariicda ay fuliyaan ha’ayda deeq bixiyayaasha ah ee Caalamka. Waxaana ka soo qayb galay xubno ka mid ah goloha Wasiirada Soomaaliya, Madaxka socotay Maamul goboleedyadda, dhamaan hay’adaha deeq bixiyaasha iyo Hay’adaha UN-ka ee Bankiga aduunka.

Shirkan ayaa la isku waydiiyaa howlaha u qabsoomay dawladda Soomaaliya, waa side habka ugu haboon ee loo cawin karo shacabka Soomaaliyeed iyo barnaamijyo nooceeya ay dadka Soomaaliyeed, si iskood ah u qabsadeen kuwaas oo dhiirigalin mudan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa tilmaamay in shirkan uu yahay mid lagu qiimeyo hay’addaha ay wada shaqaynta kala dhxayso Soomaaliya, la iskuna waydaarsado qorshayaasha laga fulinayo dalka, sidoo kalena lagu ansixiyo mashaariicaha waawayn ee laga hirgalinayo wadanka. Waxuuna u mahed celiyay dhamaan dawladaha iyo hay’adaha ka qayb qaata dib u dhiska dalka Soomaaliyeed, sidoo kalena ka fuliya howlo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

“Xariir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya dawladaha caalamka ee ay wadashaqayntu naga dhaxayso, dawlada federaalka ahna shaqooyinka ay qabatay aad ayay ugu aamaaneen, meel fiican ayuuna marayaa waxqabadka sanadkii la soo dhaafay. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Ka soo qayb galayaasha shirka oo u badnaa xubno matalayay Hay’ado caalamiya ayaa soo dhaweeyay horumarka uu ku talaabsaday dalka Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay, waxayna cadeeyeen in sanadka cusub ay Soomaaliya ka hirgalin doonaan mashaariicyo badan, kuwaas oo ka qayb qaadanaya kocobaco dhaqaalaha iyo adeegyada arrimaha bulshada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle) Wasiirka Amnigga, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Wasiirka Kullumaysiga Cabdiraxmaan Maxamed Abdi,ayaa dhankooda madahsa ku soo bandhigay howlihii ugu muhiimsana ee ay Wasaaradahooda qabteen sanadka, iyagoona tilmamay in qorshayaal muhiim ah ay dajiyeen, si loo fuliyo sanadkan bilowga ah.

—DHAMMAAD—-