U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga “Maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya waxa uu gaarayaa $100 milyan”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga “Lütfi Elvan”, ayaa Isniintii shalay sheegay, in maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya uu gaarayo illaa 100 milyan oo dollar, dhamaadkii sanadkii hore ee 2015.

Waxa uu hadalkaa ka dhex sheegay shirkii dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga ee barbar socday shirka hiigsiga ee la filayo inuu maanta ka bilowdo dalkaas,oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga xiriirka dhaqaale ee wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray; ” marka aan fiirinno suurtagalnimada ka shaqeynta Soomaaliya, waxaa nasoo jiidanaya iney Soomaaliya haysato xeebta ugu dheer Africa, ilaha tamarta la cusbooneysiin karo, waxaanan ku dhiirri galineynaa dadka maalgashadayasha iney maalgashi ku sameystaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Kalluumeysiga , Dhismaha, iyo Beeraha, “.

Waxaa isna ka hadlay goobta wasiirka dhaqaalaha Turkiga “Mustafa Olitah” oo tilmaamay in ganacsiga ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya muggiisu gaadhayo illaa 72 millyan oo doolar sanadkii la soo dhaafay, waxa la doonayaa in sanadkan la gaarsiiyo 80 millon oo doolar, iyadoo lagu wado in sanadka soo aadanna lasii gaarsiiyo 100 milyan oo doolar.

Olitah ayaa hadalkiisa sii raacsiiyay in Turkigu uu sameeyay horukac dhaqaale oo muhiim ah wixii ka dambeeyay sanadkii 2002, isagoo iftiimiyay  in dhaqaalaha wadankiisu uu horukac sameynayo xitaa waqtiyadii ugu adkeyd ee dunida soo marta.

Wasiir Olitah ayaa ka hadlay ganacsiga Turkiga iyo Africa, waxaanuu  yiri “ganacsiga ka dhexeeyay Turkiga iyo Afrika ee sanadkii 2003 waxa uu gaarayay $5.5 Bilyan oo doolar, halka sanadka 2015 ay tiradaasi afar jeer labanlaabantay oo ay gaareyso $20 bilyan”.

Waxaa kale oo isna goobta ka hadlay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, isagoo ugu baaqay ganacsatada Turkiga iney maalgashi ku sameystaan Soomaaliya,  una sheegay in Soomaaliya ay ka buuxaan khayraadka dabiiciga ah iyo xoogga dadka intaba, oo ah fursado muuqda oo soo jiidasho leh, dhinacyada gaadiidka , tamarta iyo Beeraha.

Shirkii ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku soo gabagaboobay in hashiis lagu kala saxiixdo ku saabsan xoojinta iskaashiga dhaqaale, ganacnsi ee Turkiga iyo Soomaaliya , iyadoo la bartilmaameed sanayo khayraadka dabiiciga ah , beeraha, waxbarashada, caafimaadka, sayniska iyo kalluumeysiga.

Goobjoog News