U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Wasiir Xamse Oo Hambalyo U Diray Degmada Shingaani Oo Ku Guulaystay Tartanka Kubbadda Cagta Degmooyinka

Sheeko:Cayaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalliyarada Soomaaliya mudane Xamase Saciid ayaa ka qeyb galay daawashada dhammaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2020 oo ay ku guuleysateyn degmada Shingaani.

Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalay 17ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad, si loo xoojiyo nabadda iyo isdhexgalka bulshadda,Iyadoo kama danbeysta tartankan ay isugu soo hareen kooxaha kala socday degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis.

Labada kooxood ee kala matalayay degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag ku dhisan xirfad, taasoo soo jiidatay dhammaan daawadayaasha iyo tageerayaasha garoonka Istaadiyoow Eng. Yariisow joogay,waxaana koobka hantay xidigaha kooxda Demada Shingaani.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u hambalyeeyey Kooxda degmada Shingaani oo hanatay sanadkan koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sidoo kale boggaadiyey dhammaan ciyaartooyda, macalimiinta iyo maamulka ka qeyb qaatay tartankan oo muujiyey ilbaxnimo iyo tartan wanaag.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle