U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre Oo Kulan Is Barasho Iyo Xog Wareysi La Qaatay Wafdiga Kooxda Som United Oo Dalka U Yimid Is-dhaxgal bulsho Iyo Ciyaaro Saaxiibtinimo

Sheeko:Cayaaraha

Ra’iisul wasaaraha dalka mudane  Xasan Cali Khayre ayaa kulan is barasho iyo xog wareesi la yeeshay wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaara horyaalka heerka afaraad ee Sweden oo wadanka u yimid is-dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo.

Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ah madaxa wafdiga kooxda Som United ayaa u mahad celiyay dowlada yo shacabka Gobolka Banaadir sida wanaagsan ay ugu soo dhaweeyeen dalka markii ay ku laabtan Sweden ay bulshada la wadaagidoonaan sawirka dhabta ah ee ka jira wadanka.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye ayaa u mahad celiyay raysal wasaare Khayre sida wanaagsan uu marwalbo ugu soo qeyb gal madasho ceeynka oo kale u jeedaada ciyaartooyda qurbaha ka imaanaysa ay tahay in aan kaalin ka qaataan u ciyaarista xulka qaranka.

Qaar ka mid ah wafdiga iyo xidigaha kooxda Som United ayaa inooga waramay dareenkooda ku aadan kulankii ay la qaateyn raysalwasaare Khayre,iyagoo sheegay in markii ay ku laabtaan halkee ay ka yimaadeyn ay bulshada iyo dhalinyarada kale la wadaagi doonaan sawrika dhabta ah ee Soomaaliya ka jira.

Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa xiriika kubbadda cagta wasaarada ciyaaraha dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa keentay guulaha isdaba jooga ee xulka qaranka gaaray sanadka 2018 iminka ay xooga saareyn in gudaha ay soo booqdaan dhalinyarada qurbajoogta si loo arko xirfadooda ciyaareed.

Isku soo wada duub wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada qorsha ah in caasimada ay marti gelisyo tartanka Som Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta waxayna arinta xiiso u yeelaysaa is dhaxgalka labada dhinac.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2115659818764636/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle