U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasare Ku Xigeenka Dalka Oo Kormeeray Isbitalka Digfeer

Sheeko:Dalka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta booqday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuna kormeer ku sameeyey qeybaha gargaarka deg degga, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka iyo qeyba kale oo muhiim ah kuna jireen dad Soomaaliyeed oo hayaan xanuuno kala duwan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u rajeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku jirey Isbitaalka in ALLAH uu siiyo Caafimaad deg-deg ah.

“Isbitaallada oo muhiimad gaar ah u leh ummad waliba ayaa ka mid ah goobaha uu dalkeenu ka liitay mudooyinkii bur burka, hase ahaatee isbitaalka Digfeer ayaa daboolay baahi badan oo dadka Soomaliyeed ay u aadi jireen dalka dibadiisa” ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Isbitaal Degfeer oo ka mid ah goobaha caafimaad ee ugu casrisan Afrika ayaa waxaa ku sugan dhaqaatiir iyo howl wadeeno caafimaad oo u dhashay wadanka Turkiga, kuwaasi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu indha indheynta kadibna kulan la qaatay, isagoo ku amaanay howsha caawimaada ah ee ay dalkeenna ka hayaan.

—DHAMMAAD—-