U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaaraha Xasan Khayre Oo Magacaabay Guddi Soo Baara Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Theater-ka

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddi soo baara u magacaabay khasaarihii ka dhashay qaraxii shalay galinkii dambe ka dhacay agagaara Tiyaatarka qaranka.

Sababta guddiga loo mgacaabay ayuu sheegay Ra’iisulwasaaraha inay soo ogaadaan oo ay soobaaraan waxyeellada uu geestay iyo khasaaraha ka soo gaaray dadka shacabka ah.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa waxa uu booqday sidoo kale dadkii ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo la dhigay Ispitaalada ku yaallo magaalada Mugadishu.

Qaraxa shalay ka dhacay Tiyaatarka qaranka ayaa waxaa ku dhintay 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 1o kale, qaraxa ayaa marka uu dhacayay waxay ahayd wadada mid aad u mashquul badan, oo waxaa isticmaalayay gawaarida dad weynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, taasi oo keentay inuu geesto khasaaro nafeed.

Meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaallo xarumo wasaaradeed, iyadoo aan ka fogayn madaxtooyada, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan.

Goobjoog News