U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlayay Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Feredaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac, oo maanta guddoomiyay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayay gurmadka abaaraha, ayaa caddeeyay inaan waqti dambe harin oo lagama maarmaan tahay in la dardargeliyo gurmadka abaaraha si loo badbaadiyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.
“Waxa aan rajeynaynaa in la taabba-geliyo nidaam wada-shaqayneed oo xooggan kaas oo si wada-jir ah looga falcelinayo xaaladda abaarta iyo isbeddelka cimilada, iyadoo la hubinayo matalaad buuxda lagana hortagayo in ay isku beegmaan dadaalladaa kala duwani”ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.
Mudane Saalax Axmed Jaamac oo furitaankii shirka uga mahad celiyey taageerada caalamka ee la xiriirta gurmadka abaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad abaareed oo aad u daran taas oo saameysay 8 milyan oo qof iyo 17 milyan oo xoollo ah, lagama maarmaanna ay tahay in si dhaqsa ah xaaladda abaarta wax looga qabto inta aanay ka darin.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay saameynta ka dhalatay abaarta, heerka gargaarka socda, iyo xaaladaha la filan karo hadii aan wax qabad dhab ah lala imaan, waxaana dhammaan mas’uuliyiintii ka hadlay ay caddeeyeen muhiimadda ay leedahay in wadajir looga shaqeeyo qaabkii Soomaaliya looga saari lahaa abaartaan daranee dad iyo duunyaba saameysay.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay horay u qaadday tillaabooyin muhiim u ah gurmadka abaaraha, ayna qaadatay door hoggaamineed oo wax ku ool ah, waxuuna xusay in cid waliba oo xilligan adag garab istaagta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u heyn doonaan abaal weyn oo aan duugoobin.
Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen wakiilka qaramadamidoobay, deeq bixiyaasha, safiirro iyo mas’uuliyiin kale oo hey’addaha caalamiga ah ka socda, ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ku wehlinayay qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Dan-qaran.
Goobjoog News