U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Geeska Africa u qaabilsan Dawladda Finland

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Geeska Africa u qaabilsan Dawladda Finland ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Finland, Mudane Suldaan Siciid Axmed.

Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixin ka dhageystay ergayga, waxaana uu kaga mahadnaqay dadaalada ay dowladda Finland ay ka waddo Soomaaliya iyo gobalka geeska Africa.

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayaa ergeyga gaarka ah ee arrimaha Geeska Africa u qaabilsan Dawladda Finland ku bogaadiyay doorka ay arrimaha gurmadka abaaraha ay ka geysaneyso dowladdiisa.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Geeska Africa u qaabilsan Dawladda Finland, ayaa dhankiisa kaga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News