U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Najib Razak Oo Loo Diiday In Uu Dalka Ka Baxo

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiinta waaxda Socdaalka Malaysia ayaa sheegay  in ra’iisulwasaarihii hore Najib Razak loo diiday in uu dalka ka baxo.

Arrinkan ayaa yimid ka dib markii Najib Razak uu sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay doonayaan in ay dibadda u aadaan Fasax.

Najib Razak ayaa xisbigiisa talada hayey waxaa looga guuleystay todobadkii la soo dhaafay doorashooyinka Baarlamaanka.

Najib Razak ayaa waxaa lagu eedeynayaa in uu 700 Milyan oo doolar uu ka wareejiyey Santuuqa Maalgashiga ee raacsan dowladda Sandkii 2015-kii, balse madaxda waa ay bari yeeleen.

Najib Razak ayaa ah 64 sano jir, waxaa uuna sheegay isaga iyo Xaaskiisa Ruusa Mansuur in ay doonayeen in maanta oo Sabti ah ay safar u aadaan dalka Indonesia, balse madaxda waaxada Socdaalka ayaa ku wargaliyey in isaga iyo qoyskiisa loo diiday in ay u baxaan Safarka.

Razak ayaa iska fogeeyay in uu lacag kala baxay Santuuqa Maalgashiga ee raacsan dowladda, Santuuqaan ayaa waxaa aas-aasay Najib Sanadkii 2009-kii.

Eedeynta loo jeediay ra’iisulwasaarihii hore ee Najib Razak ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Mahathir Bin Mohamad oo ah 92 sano jir uu uga guuleystay doorashooyinka.

Goobjoog News