U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamsa oo kulan la qaatay culimada

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la wasiirka diinta iyo awqaafta Mukhtaar Rooboow iyo qaar kamid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

Xamsa ayaa kulanka intii uu socday waxa uu culimada kala hadlay sidii ay door wayn uga qaadan lahaayeen wacyigelinta bulshada iyo ka hortagidda figradaha argagixisada.

“Ra’iisul Wasaaraaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Culimada Soomaaliyeed kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay bogga xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulanka culimada iyo xukuumadda ayaa ku soo aadaya xilli ay xaaladda amni ee caasimadda muddooyinkii la soo dhaafay ay ahayd mid liidata.
Goobjoog News