U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse iyo Howlwadeenna Xafiiskiisa oo Kulmay

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay xafiiska ayaa kulamo la yeeshay maamulka, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo hoggaannada tiirarka mudnaanta u leh xafiiska.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa mas’uuliiyiinta Xafiiska ee uu kulamada la qaatay uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan shaqadooda iyo wajibaadka qaran ee saaran u adeegidda bulshada Soomaaliyeed oo adeegga ka sugaysa xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha iyo waaxyaha kala duwan ee Xafiiska isagoo warbixinno ka dhageystay agaasimeyaasha iyo howl-wadeennada qaarkood ee ka howlgala xafiiska Ra’iisulwasaaraha xukuumadda oo maanta si rasmi ah uu kU shaqo bilaabay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda.

Goobjoog News