U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Xaaladda Magaalada Baladweyne

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta Al-shabaab ay  ka gaysteen laba qarax oo  sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada, Xamse ayaa amar ku bixiyay in gurmad isugu jiro daawo iyo cunto deg deg loo gaarsiiyo magaalada, dadka qaba dhaawacyada culusna loo soo qaado Muqdisho si loogu dabiibo xalaaddooda.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah Al-shabaab, ciidanka dowladda oo taageero ka helayo ayaa deegaanno badan Al-shabaab kala wareegay, oo dhaca gobollada Hiiraan, Baay iyo gobolka Galgaduud.
Kulanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maanta magaalada Baladweyne ay ka dhaceen maanta qaraxyo isxigxigay oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, dad wax ku  noqday qaraxyada ayaa ah 10 dhimasho ah iyo 30 dhaawac ah.
Goobjoog News