Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay furitaanka Kalfadhifga 78aad ee Golaha Loo Dhan Yahay ee Qaramada Midoobay oo saaka si rasmi ah uga furmay xarunta Qaramada Midoobay  ee New York.
Ra’iisulwasaaraha ayaa kulanka loo dhan yahay ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka, waxaana Ra’iisulwasaaraha lagu wadaa sidoo kale inuu golaha markale uu ku celiyo baqii madaxweynaha ee ahaa in Soomaaliya xilligaan laga qaado cunaqabateynta hubka ee saran.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad uu ka jeediyey kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara wuxuu kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tillaabsanayo, waxa u qorsheysan dowladda federalka.
Goobjoog News