U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan La Yeeshay Qaar Kamid ah Isimada Gobolka Sool

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa magalaada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada ka taagan magaalada iyo barakaca dadka Rayidka ah, kuwaas oo muddo lagu dul dagaalamayay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida oo markale ka hanaqaada magaalada Laascaanood.
Garaadada Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.
Goobjoog News