U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo loogu daray 10 Maalin si uu u dhiso xukuumad cusub

Sheeko:Amniga

Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan koodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay codsi uga yimid ra’iisulwasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.

Kulanka oo ay soo xaadireen 145 xildhibaan ayaa la horkeenay codsi ka yimid ra’iisulwasaaraha kaas oo dhigaya in Wasiirka koowaad ee dalka loogu darro muddo 10 cisho ah si uu u soo dhiso xukuumad cusub.

Xildhibaannada ayaa markii loo akhriyay ajendaha kulanka kadib waxaa cod gacan taag ah ay ugu codeeyeen codsiga ra’iisulwasaaraha.

144 xildhibaan oo kulanka goobjoog ahaa ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay, halka uu hal mudane uu diiday codsiga ka yimid ra’iisulwasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.

Dastuurka Soomaaliya ayaanan cayimeeyn mudada ra’iisulwasaaraha uu xaqqa u leeyahay in uu ku soo dhiso golahiisa wasiirada.

Balse Qodobka 51-aad faqrada 3-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka  ayaa qaba in 30 Cisco gudahood lagu dhiso xukuunadda.

Sikastaba ra’iisulwasaara dalka ayaa hadda haysta muddo 10 cisho ah oo uu ku soo dhiso golahiisa wasiirada ee xilka la wareegaya.

Goobjoog News