U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo si toos ah ula hadlaya Jiidaha hore Ee dagaalka Hiiraan iyo Galgaduud

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre Ayaa si toos Ah khadka taleefanka kula Hadlay qaar Kamid Ah mas’uuliyiinta Hoggaaminaya kacdoonka ka dhanka ah ee  Looga xoreynayo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ay ka wadaan.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka, General Odowaa Yuusuf Raage ku bogaadiyay doorkooda hoggaamineed howlgalka guuleystay ee dib-u-xoreynta deegaanno badan oo ka mid ah gobollada dalka oo ay howlgallo ka socdaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha telefoonka uu kula hadlay waxa ay kala yihiin Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf al-Caddaala, Xildhibaan Maalik Cabdalla, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Guddoomiyaha degmada baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo Cali Cismaan Cabdi (Cali Guud) oo ka mid ah abaanduulayaasha ciidanka deegaanka ee isbaabulay, kuwaas oo maanta la wareegay deegaanno Baxdo hoostaga.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka duulaya mabaadii’da ku qotoma Tiirka Dib u Xoreynta iyo Sugidda Amniga, ayaa wuxuu tallaabadan u qaaday si uu u dhiirigeliyo naftood hurayaasha ku sugan jiidda hore ee dagaalka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud isaga oo u kuurgala xaaladaha iyo halka uu dagaalku marayo.
Goobjoog News