U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse”Amniga Waxaa Ugu Weyn ee Lagu Sugo Waa Isgaarsiinta”

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa daah-furay hirgelinta Adeegga isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo suurtagelinaysa in ay is wici karaan shabakadaha qadadka  teleefannada kala duwan ee ka jira gudaha dalka, kaas oo ka furmay magaaladda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka in laga faa’iidaayo tartan ganacsi oo xalaala, tallaabadanina ay tahay xuquuq muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurmeysa suuqa isgaarsiinta dalka, isaga oo  dul istaagay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta.
“Dadkeenna ma hormarin karno haddii aynan Canshuurta bixin, waxaan u baahannahay inaan ku dadaalno inaan cashuurtii bixino, Level kasta oo aan joogno Company yar ha ahaado, ama qofka ha ahaado, cid kasta oo ay Canshuuri ku waajibtay waxaa laga rabaa in(contribution) waajibka ku ah inuu fuliyo ayaa laga rabaa” ayuu yiri.
 Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sugidda amniga dalka ay laf-dhabar u tahay isgaarsiintu, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shirkadaha isgaarsiintu ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee lagu xaqiijinaayo amniga dalka” amniga waxaa ugu weyn ee lagu sugo waxaa waaye waa isgaarsiinta” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Shirkadaha iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka dadaalkii ay ku bixiyeen hirgelinta Adeeggan isku-xirka qadadka kale duwan ee isgaarsiinta, waxaana uu ku bogaadiyay sida ay ugu daneeyeen shacabka Soomaaliyeed, taas oo abuuri karta tartan suuqa furan ah sida uu sheegay.
Goobjoog News