U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaarihii Hore Ee Soomaaliya Nuur Cade oo Geeriyooday

Sheeko:Amniga

Ra’isulwasaarihi hore ee  Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa saakay ku geeriyooday Magaalada london ee wadanka ingiriiska sida ay inoo xaqiijiyeen eheladiisa .

Allah ha u naxariistee Nuur Cade ayaa maalmahaan la xanuunsanayay Cudurka Covid-19. oo dunida fara ba’an ku haayo isaga oo ka mid noqday tiro dad Soomaali ah oo dibadda ugu geeriyooday Xanuunka Coronaviris.

Maxamed Nuur Cade oo ka mid ah Caruurtiisa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in saakay uu geeriyooday , waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay allah u  naxariistee qoyska Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya  Nuur Xasan Xuseen  Nuur Cade lagu yir.

 

Raiisal wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade  ayaa Ra’iisalwasaare ka ahaa dowladdii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaana xafiiska uu la wareegay 24-kii Novembar 2007, waxaana uu ka tagay 14-kii February 2009.

Silamida waxaa bishii tagatay ee Maarso magaalada u geeridooday xanuunka Coronavirus ciyaariyaankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Batroolka Cabdiqaair Maxamed Faarax Biriq waxaana uu ku geeriyooday magaalada London ee wadann Ingiriiska.

Goobjoog News