U bood dhigaalka

Raila Odinga: Haddii Aan Madaxweyne Noqdo, Waxaan Ciidamada Kenya Ka Soo Saarayaa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Murashaxa madaxtinimada isbaheysiga National Super Alliance (NASA)  Raila Odinga oo xalay ka hadlay dood uu u gambiyay murashaxa Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in haddii uu madaxweyne noqdo bisha dambe uu ciidamada Kenya ka soo saari doono Soomaaliya.

Raila Odinga oo 90 daqiiqo la wareysanayey ayaa ka hadlay in nabadda Kenya aaney ku xirneen tagidda Kenya “Waxaan u baahanahay in ciidamadeena si Istaraatiiji ah aan ugula soo baxno Soomaaliya, Adkeyno xuduudeena, isla markaana aan taageero AMISOM-ta joogta gudaha Soomaaliya”

Raila Odinga  waxaa uu qabaa in Kenya u baahan tahay in ay xoojiso sirdoonka gudaha si loola dagaalo Al-shabaab isaga oo intaa ku daray Xarakada Al-shabaab aaney soo weerarteen gudaha Kenya haddii ay Nairobi qaadan laheyd talada midowga Afrika ee ahaa in aaney wadamada dariska faragelin Soomaaliya.

Maqnaanshaha Uhuru Kenyatta ee doodda waxaa ay fursad u noqotay Raila Odinga isaga oo ka hadlay sidoo kale musuqa baahsan ee dalka ka jira, waxaa la arkayey sidoo kale Uhuru oo wareysiga kala socday gudaha Madaxtooyada.

Odinga oo markii 4aad u tarmaya kursiga madaxtinnimada Kenya, keliya ma aha in ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya ee haddii uu madaxweyne noqdo waxaa uu aqoonsan doonaa maamulka Somaliland.

Doorashada Kenya ee dhaceysa 8-da August, waxaa ku tarmaya ilaa 8 murashax, waxaana ugu cadcad marka laga soot ago Kenyatta iyo Odinga, Prof Michael Wainaina Dr Japheth Kavinga Kaluyu, Maxamed Dida iyo Dr Ekuru Aukot

Goobjoog News