U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya Oo Booqanaya Jigjiga

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa la shaaciyay in maanta oo Sabti ah uu booqasho ku taga magaalada Jigjiga, si halkaasi uu ugula kulmo dadka Soomaalida ah.

Abiy ayaa la filayaa in marka uu tago Jigjiga uu kulamo la qaato madaxda maamulka Soomaalida ee halkaasi ka dhisan, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxyaabaha uu kala hadli doono waxaa ka mid ah ka shaqeynta nabadda, dib u eegista gacan ka hadalkii dhexmaray Soomaalida iyo Oromada uu isaga kasoo jeedo iyo arrimo kale.

Sidoo kale Abiy ayaa booqan doona deegaanno kale oo dalka Itoobiya ah ka hor inta aanu soo magacaabin golahiisa wasiirada.

Abiy Axmed ayaa xilkaan loo doortay kadib markii uu is casilay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi.