U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska oo Lubnaan Ku Sugan Si Dhibaatada Qaxootiga Suuriya Wax Looga Qabto

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa soo gaaray dalka Libnaan si uu kulan ula qaato dhigiisa dalkaasi Tamaam Salaam.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadli doona dhibaatada dadka Qaxootiga ah ku heysato xeryaha Qaxootiha Buqaac.

Booqashadan David Cameron oo hal maalin socon doonta, Waxaa uu Cameron si qotto dheer ula socon doonaa sida Qaxootiga loo gaarsiiyo arimaha Banii’aadamnimada.