U bood dhigaalka

Ra’isul wasaare Cumar: Janaraal Caare waxa uu ahaa shaqsi naftiisa u huray sidii loo horumarin lahaa Ciidanka xoogga

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashid ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Janaraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi Caare oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Janaraal Caare ayaa muddo dheer ka tirsanaa ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed, waxaa uu maanta ku geeriyooday caasimadda Muqdisho

“Janaraal Caare waxa uu ahaa shaqsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo horumarin lahaa Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu sameyn lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska marxuumka, isaga oo dhanka kale alle uga baryay marxuum Caarel inuu janadiisa geeyo

Goobjoog News