U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Khayre Oo AMISOM Ka Codsaday Wada Shaqeyn Dheeraad Ah

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay madax ka socota AMISOM isaga oo kala hadlay wada shaqeynta labada dhinac iyo sida ay kooxdan nabad ilaalinta ahi howlahooda u labo jibaari lahaayeen.

Hadalkan waxaa uu imaanayaa kadib markii Khayre ay xafiiskiisa ku soo booqdeen ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeir iyo madax kale iyaga oo kala hadlay sida ay AMISOM uga go’an tahay wada shaqeynta ay la leeyihiin Soomaaliya.

Mr. Khayre  waxaa uu dhankiisa ballan-qaaday in xukuumadiisa la shaqeyn doonto AMISOM isaga oo codsaday wada shaqeyn dhab ah oo dhex marta labada dhinac.

Ra’isul wasaaraha cusub waxaa uu mas’uuliyiinta u sharaxay sida ay uga go’antahay xukuumadiisa in ay la timaado isbadal dhab ah.

Goobjoog News