U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Khayre Oo Midowga Yurub Kala Hadlay Burcad Badeedda Iyo Kuluumeysiga Sharci Darrada  Ah

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa maanta waxaa uu saraakiil ka tirsan midowga Yurub kula shiray markab spain leedahay oo ku sugnaa xeebaha Muqdisho, isaga oo kala hadlay arrimaha burcad badeedda, kaluumeysiga sharci darrada ah iyo dhismaha ciidamada badda ee Soomaaliya

Shir jaraa’id oo shirka kadib ay qabteen waxaa ka hadlay ra’siul wasaare Xasan Khayre, sarkaalka hogaamiya howlgalka ilaalada xeebaha Soomaaliya Maj Gen Robert Magowan iyo Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo.

Ra’isul Wasaare Xasan Khayre waxaa uu sheegay in midowga Yurub uu kala hadlay arrimaha burcad badeedda, waxaa uu sheegay in dhaqankaasi aanu Soomaali aheyn, isaga oo ka codsaday in la kordhiyo maraakiibta iyo in ciidamada ilaaliya xeebaha Soomaaliya.

Khayre waxaa uu Midowga Yurub uga dacwooday kaluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday in laga caawiyo Soomaaliya arrimaha horumarinta, shaqao siinta, dib u dhiska iyo dhismaha ciidamada badda Soomaalida.

Midowga Yurub waxaa ay xeebaha Soomaaliya ka howl-galaan tan iyo 1998-dii, waxaa ay sidoo kale Soomaaliya ka taageeraan arrimaha dhaqaalaha, hor-u-marinta bulshada iyo garsoorka.

Goobjoog News