U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Khayre Oo Reer Muqdisho Ku Yiri “Muqdisho iyo Banaadir waa ka weyn tihiin, waxaa tihiin Shacabka Soomaaliyeed iftiinka ay fiirsanaayeen”

Sheeko:Dalka

Xasan Kheyre, ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay xaflad la sheegay in lagu caleemo saarayey guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Thabit Cabdi ayaa shacabka Banaadir u sheegay in ay yihiin astaantii iyo iftiinka umadda Soomaaliyeed.

Khayre oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Waxaa yihiin astaantii umadda Soomaaliyeed, waxaa tihiin dhariiqii umadda Soomaaliyeed wanaagga ku mari lahaayeen, tillaabada adinka aad qaadaan ayey ku daysanaayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan rabaa marnaba in aadan ilobin mas’uuliyadda aad xambaarsan tihiin, Muqdisho iyo Banaadir waa ka weyn tihiin, waxaa tihiin Shacabka Soomaaliyeed iftiinka ay fiirsanaayeen, haddii aad rabtaan in Soomaaliya isku duubnaato waa in adinka isku duubnaataan, haddii aad rabtaan in Soomaaliya dowladnimo ogolaadto adinka waa in aad ogolaataan, haddii aad rabtaan Soomaaliya in ay dul-qaadato waa in adinka dul-qaadataan, haddii aad rabtaan in Soomaaliya sharafteda iyo kaaramdeeda la soo celiyo, waa in aad aqbashaan in dadka Muqdisho ku dhibaateysan sharaftooda iyo karaamadooda la soo celiyo”.

Dhinaca kale, waxaa uu ra’isul wasaare Xasan Khayre ka hadlay dalabaadka ku saabsan maqaamka Muqdisho

“Sida keliya ee aad ku heli kartaan xuquuqda aad tabaneysaan ee gobolka Banaadir waa adinka oo garab istaago maamulka gobolka Banaadir, fariinta aad qabtaanna in aad inaga noo soo gudbisaan, adinka oo soo maraayo isaga, anigana waxaan idiin ballan-qaadaayaa aniga, madaxweynaha iyo xukuumadaba in ay la shaqeyn doonto oo garab istaagi doonto guddoomiyaha gobolka Banaadir”.
Goobjoog News